Gole-Deegaan Oo Tababar looga furay Magaalada Baydhabo-SAWIRO

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada KG ayaa maanta tababar Aqoontooda kor loogu Qaadayo Gollaha Deeganka Degmooyinka Xudur,Waajid,Berdaale iyo Diinsoor u daah Ufurey Gollaha Deeganka Degmooyinkaas,

Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS ayaa waxaa ay maanta Magaalada Baydhabo ku daahfurtay Aqoon iswaydaarsi iyo khibrad wadaag u dhaxeeya Golayaasha deegaanka degmooyinka ( Hudur, Berdaale, Diinsor iyo Waajid ).

Kulanka ayaa goobjoog ku ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Godoomiyaha degmada Waajid iyo qaar ka mid ah Golayaasha deegaanka ee degmooyinka lasoo dhisay.

Tawabarka ayaa lagu bari doonaa Maalmaha uusocdo kor u qaadida khibradda aqoonta xubnaha golayaasha iyo maamul wanaaga.

Tawabarka waxaa soo qaban qaabisey Wasaaradda Arimaha Gudaha DGKGS.