Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen Odawaa Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya oo Labo Maalin ka Hor Shir jaraa’id ku Qabtay Magaalada Cadaado ayaa waxaa uu sheegya in Maalinta Sabtida ah oo ku Beegneed Shalay la Xereeynaayo Ergooyinka Doonaaya in ay ka qeyb galaan shirka Mamulka Loogu Sameeynaayo Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud
Shalay ayaa lagu balansanaa in la Xareeyo Ergooyinkaasi ayaa Dib u Dhacay iyadoo lagu soo waramaayo in in ay Qaar ka mid ah Odayaasha ka qeyb galaya shirka maamulka loogu sameeynaayo Gobolaa mudug iyo Gal-gaduud Ay kazoo Horjeesteen
Odayaasha Kasoo jeeda Waqooyiga Gobola Gal-gaduud ayaa waxaa ay horay u shaaciyeen in ay ka Baxayaan shirka Ka Socda Magaalada Cadado