Gud Mursal oo Mar kale loo doortay Xildhibaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa loo doortay inuu mar kale noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa u tartamayay kursiga sumadiisu tahay HOP182, isagoo helay codad gaaraya 88 Cod, ka dib doorasho goor_dhow ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Doorashada golaha Shacabka ee hadda socoto ayaa ah mid lasii ogyahay natiijada doorashada.