Guddiga Cusub ee doorashooyinka Somaliland oo la dhaariyey

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaran ee dhawaan la dhisay.

Xubnahan cusub ee komishanka doorashooyinka oo dhawaan uun uu ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxana uu ku adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa waxaa jiray inay kasoo horjeesteen Xisbiyda mucaaradka Soomaaliland,sida WADDANI iyo UCID,kuwaas oo war diidmo ah shalay soo saaray.