Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Manta gaaray Xubnaha Guddiga farsamadaha iyo dhismaha Galmudug oo ay dhawaan Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug,waxaana la geeyey Xarunta Shiirkole ee howlaha doorashooyinka lagu qabanayo.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay bilaabi doonaan kulamo ay la qaadanayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo xiligaan jooga Magaalada Dhuusamareeb.

Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa horay u diiday hoggaanka Ahlusunna oo Magacaabey dhankooda Guddi kale iyo qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug,balse aan weli la ogeyn sida ay uga Shaqeyn doonaan Magaalada Dhuusamareeb.