Guddiga Doorashooyinka K/Galbeed oo ka soo horjeestay amar ka soo baxay G.X.KH

War Qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa looga soo horjeesatay go’aanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku amreen in dib loogu laabto xildhibaano lagu doortay Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Koonfur Galbeed C/laahi Maxamed Mursal oo la hadlay Radio Baydhabo ayaa sheegay in aysan quseyn go’aanka Guddiga xalinta khilaafaadka ay ku amreen in db loogu laabto Doorashada 5 xubnood oo lagu doortay Baydhabo.

koonfur-1