Guddiga doorashooyinka oo ku dhawaaqay buuxinta kursi ka banaan golaha shacabka

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta waxa ay shaaciyeen in la buuxinayo kursi ka banaan golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursigan oo degaan doorashadiisa ay tahay Puntland ayaa waxaa 6-dii bishan September iska casilay xildhibaan Daahir Cali Faarax oo loo yaqaano Dhahar.

Guddiga ayaa faray oday dhaqameedkii ku jiray liiska 135-ta Oday ee Kursigan banaanaaday matala inuu soo gudbiyo liiska 51 Ergo ee dooran doonta kursigan muddo 7 cisho gudahood.

Xaliima Ismaaciil Xaliima Yare), guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ayaa musharaxiinta u tartameysa kursigan ku wargeliyay inay isa soo diiwaan geliyaan laga bilaabo 22-ka bishan kuna egtahay 29-ka bishan September.