Guddiga doorashooyinka oo qirey in Madaxweyne Cosoble uu farogelin ku sameeyay Kursiga Carab Soomaali

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayuu ku sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullahi Cosoble uu farogelin ku sameeyay doorashada Kursiga Carab Soomaali

Nuqul kamid ah qoraalkan oo soo gaaray jowhar.com ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle uu guddiga ku amray in ay ka dhigaan ergooyinka ay u soo gudbiyaan saddex nabadoon iyadoo Ugaaska Carab Soomaali Ugaas Saalax Maxamed Cabdalla uu ku sugan yahay magaalada Jowhar.

Guddiga doorashada Hirshabeele ayaa sheegay inay tixgelinayaan Ugaaska Beesha Carab Soomaali oo ka mid ah saxiixayaasha 135ta ee awooda u leh inay soo xulaan balse aysan aqbali doonaan ergooyinka ay u soo gudbiyeen 3da nabadoon oo uu Madaxweynaha Hirshabeele uu ku amray inay qaataan liiska ergooyinka ay u soo gudbiyeen.

Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle