Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka Qaranka oo kulan laqaatey Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Kulanka oo kadhacay Guriga Martida ee Magaalada Kismaayo ayaa Golaha Wasiirada Ee Dowlad Goboleedka Jubbaland looga dhageystay Aragtidooda ku aadan Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo uu Guddiga gacanta ku haayo.
Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa muddooyinkan waday wada-tashiyo la xiriira Sharciga Doorashooyinka Qaranka.waxaama ay booqday Guddiga Dhamaan Dowlad Goboleedyada dalka ka Jira.