Guddiga qaran ee tacliinta oo soo saaray liiska Jaamacadaha heysta ruqsada shaqo ee wasaaradda waxbarashadda

Guddiga qaran ee tacliinta sare ayaa soo bandhigay liiska kale ee Jaamacadaha heysta ruqsada iyo diiwaangalinta wasaaradda waxbarashadda, hiddaha iyo tacliinta ee XFS, kaas oo ka kooban 63 Jaamacadood oo ku yaal caasimada iyo gobolada dalka.

Guddiga qaran ee tacliinta sare, ayaa horray u shaaciyey liis ka kooban 41 jaamacadood oo ka gudbay qiimeynta wajiga 1-aad ee guddigu sameeyey.

Guddiga qaran ee tacliinta sare, ayaa bulshada Soomaaliyeed ogeysiiyey in Jaamacadaha uu magacoodu hoos ku qoran yahay ay heystaan ruqsada iyo diiwaangalinta wasaaradda waxbarashadda, Qoraalka guddiga ayaana sidaan u qorna.

“wargelin Muhiim ah

Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare waxuu ku Wargelinayaa Jaamacadaha hoos ku xusan, Waalidiinta iyo Ardayda Jaamcadaha in Jaamacadahaani heystaan Ruqsadda iyo Diiwangelinta Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xaqna ay u leeyihiin in ay howshoodi Waxbarsho ee ay bulshadda u hayeen wali sii wadan karaan”

Hoos ka Akhri magacayada jaamacada: