Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka oo habraac soo saaray

Guddiga xalinta khilafaadka Arrimaha doorashooyinka dalka ayaa soo saaray habraacyada lagu xalinaayo khilaafka ka dhasha doorashada Baarlamaanka Aqalka sare iyo shuruudaha loo baahanyahay in la soo buuxiyo.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay soo bandhigeen shuruudaha cabashada laga keenayo doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, kuwaas oo ka kooban Afar Qodob.

Doorashada xildhibaanada Aqalka sare ayaa dhawaan la filayaa in ay ka dhacdo magaalooyinka dalka gaar ahaana Dowlad Goboleedka Jubbaland.