Guddoomiyaha Degmada Awdheegle oo sheegay inay nolosha ku qabteen qaar ka mid ah Shabaabkii weeraray Degamadaas

-Guddoomiyaha degmada Awdheegle Cabdulaahi Cismaan Abuukar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Qaar ka mid maleeshiyadii Al- Shabab ee hoobiyaasha ku weeraray Awdheegle.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in 3 guri ay waxyeelo u geesteen hoobiyaasha 16 qof oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen, laba qof oo dhaawacoodu uu halis ahaana loo qaaday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Awdheegle ayaa sheegay in tira dhoor jeer ah la soo qab qabteen maleeshiyaad Al Shabab ah oo hoobiyaal ku weeraray degmada, shalay ilaa maatana uu socdo howlgalka lagu baadi goobayo.