Guddoomiyaha Dhuusamareeb ee Ahlusunna oo taageeray Dowladda

Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ugu Magacaabey Ahlusunna Macalin Nuur Cilimi Cabdulle ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan xilligaan ka jirin degmada,isla markaana amniga guud ee Magaalada uu yahay mid wanaagsan.

Waxaa uu sheegay in Ammaanka guud ee degmada dhuusamareeb ay gacanta ku haayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,sidoo kalena xilligaan amniga uu yahay mid leysku haleen karo.

Shir Jaraa’id uu ku qabtay Dhuusamareeb ayuu sheegay in hadda wixii ka dambeeya uu Maamulka magaalada Dhuusamareeb uu diyaar u yahay in ay la Shaqeeyaan dowladda federaalka kalana qeyb qaataan howlaha doorashada.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Shaabka Magaalada Dhuusamareeb iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan looga baahan yahay in Dowladda Soomaaliya kala Shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan.