Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

dabageedApril 28 (Radio Baidoa)— Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isagoo xusay in dhowaan la dhisi doono maamulka labada gobol.

Mr Dabageed ayaa sheegay in dadaalada lagu xalinayo tabashada ay qabaan odayaasha ka soo jeeda reer Hiiraan ay wali socdaan, isla markaana maamulkiisa uu qeyb ka yahay, isla markaana sida loogu tala galay ku dhamaan doonto.

“Maamulka labada gobol waa la dhisi doonaa, wixii khaldan dib ayaa laga sixi doonaa, hadii maamul la dhisayo dadka waa is jiid-jiidayaan, aniga wax igu yar yihiin iyo aniga ha leygu daro taas baa meesha ka jirta ee lama diidano in labada gobol la isku daro”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Waxaa uu sheegay in marka la dhiso maamulka labada gobol wixii tabasho iyo qaladaad jira dib laga sixi doono, balse hadaa waxba la dhisin oo aan la isu tagin aanay wax saxmayo jirin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa dhowaan furay wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, inkastoo wali aanu shirkaas sida la rabay u socon, hadana waxaa wali magaalada Jowhar ka socda shirar gaar gaar ah oo ay leeyihiin xubnaha labada gobol ee shirka ka qeyb galaya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in bisha June ay soo gaba gabeyso dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, inkastoo wali qaar ka mid ah Odayaasha reer Hiiraan mucaaradsan yihiin shirka.