Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Kulan ay yeesheen labada dhinac ayaa waxa ay kaga wada hadleen heerka uu maraayo u diyaar garowga doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo,maadaamaa Midowga Yurub uu aad u taageero Soomaaliya Dowladda Ingiriiskana ay xubin ka tahay midowga Yurub.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay in dowladda Britain ay diyaar u tahay in Dowladda Soomaaliya ay ka taageerto dhinaca doorashada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa dowladda Britain uga mahad celiyey taageerada ay siiso Soomaaliya.