Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo kulan la qaatay Safiirka UK

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Mudane Muuse Geelle Yuusuf oo ay weheliyaan madaxa xiriirka caalamiga Maxamed Muuse iyo madaxa maamulka iyo maaliyadda Cabdi Udan ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster.

 

Guddiga iyo Amb Mrs Kate Waxay ka wada hadleen doorashada iyo caqabadaha ku gadaaman, iyagoo hoosta kawada xariiqay muhiimadda iyo dhameystirka doorashada Kulankan oo ahaa kulan miro dhal ah.