Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka Jubbaland oo ka hadlay hawlaha ay qabteen wixii ka dambeeya markii laso xulay Xildhibaanda.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka Jubbaland Sheekh Cabdi Yuusuf Cali ayaa sheegay  in Baarlamanku ay yeeshen shirar ay ka qayb galeen Madaxda Jubbaland,wixii ka dambeeyay ku dhawaaqida Xildhibaanada Baarlamanka Jubbaland.

Sheekh Cabdi Yuusuf Cali ayaa sheegay in saacadihii ugu dambeeyay ay u diyaargaroobayeen Doorashadda Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Ku-xigeenadiisa.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe ayaa sheegay in 25/4/2015-ka ay dhici doonto Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenadiisa