Guddoomiye Waaxeed lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow degmada Xamar ku dhaawacay labo oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen maamulka degmada Xamarweyne.

labada ayaa sanadyadii ugu dambeeyay ka shaqeynaayay degmada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uuu mid ahaa Guddoomiye Waaxeed, kan kalena Gudoomiye Laameed.

Maxamud Macalin Xasan (Fagaase) oo ahaa gudoomiyihii waaxda Kacaan ee degmada Xamar Weyne ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen kooxo hubaysan xilli ku sugnaa degmada Xamar Weyne.

Kooxihii dilka geystay ayaa baxsaday,waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada dowladda.