Guddoomiye Yariisow oo kormeeray Xafiisyadda dowladda Hoose

Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa maanta Kormeer ku tagay Xafiisyadda dowladda Hoose ee Muqdisho.

Kormeerka Gudoomiyaha ayaa waxaa ku wehlinaayay xubnaha cusub ee dhawaan lala magacaabay sidda Ku xigeenada.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudane Thaabit Cabdi ayaa ku horkacayay kormeerkaan , waxaana uu sidoo kale uu khudbad u jeediyay Shaqaallaha gobolka Banaadir,uuna ka dalbaday in ay la shaqeeyaan maamulka cusub.

Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa in uu xilka la wareego gudoomiyaha cusub ee gobolka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa.