Guddoonka Aqalka Sare oo la kulmay Wakiilka Cusub ee QM ee Soomaaliya

Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa kulan la qaatay Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay ee Somaaliya Nicholas Haysom.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Aqalka Sare, waxaana looga hadlay sidii loo dardargelin Wada shaqeynta Aqalka Sare iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Nicholas Haysom Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay ee Somaaliya  ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho,isagoona xilka la wareegay Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha  Soomaaliya Michael Keating.