Guddoonka baarlamaanka oo ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado Beledweyne

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta shir guddoomiyay Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha oo looga hadlay qorshe u sameynta sidii loogu gurman lahaa dadka ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaada wabiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Hiiraan iyo Daadadka ku rogmaday Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Kulanka oo ay Sidoo kale joogeen Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad,waxa ay xubnaha Guddiga joogtada ah ay aad uga doodeen sidii dadkaasi gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa maadaama ay tahay arin u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

Ugu dambeyn waxaa la isku raacay in si deg deg loo qaado talaabo loogu gurmanaayo dadkaasi dhibaatadu heysato.

Shirka marku soo idlaaday ayaa waxa warbahinta uga warbixiyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdirkarin Buux oo sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ku baaqay Gurmad deg deg ah.