Gudiga Amniga Doorashooyin oo caawa Amar soo saaray

Gudiga amniga doorashooyinka qaranka aya caawa soo saaray amar ah in aan musharixiinta wax hub ah aan la geli Karin goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Waxaana gudigaan ay sheegen in ay cashar ka qaaten dhacdadii ka dhacday magaalada jowhar ee xaruunta maamulka hirshabelle oo ay isku rasaaseeyen ilaalada musharixiin u tarsameysay kamid noqoshada xubnaha aqalka hoose .

Ciidamada Amaanka iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika Amisom ayaa lagu amray in ay xaqiijiyaan amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashaooyinka.

Gudigaan ayaa sidoo kale sheegay in ay kormeero joogta ah ku tagidoonaan xaruumaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ayna la socon doonaan xaaladaha amaan ee ee goobaha doorashooyinka