Gudiga Doorashada KG Oo lagu soo dhaweeyey Baydhabo-SAWIRO

Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Konfur Galbeed Maxamuud Maxamed Kheyre ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kuso dhoweyey Gudiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Maanta gaaray Baydhabo.

Xubnaha wafdigan soo dhaweeyey ee uu ugu horeeyey Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mudane Maxamuud Maxamed Kheyre ayaa sheegey in guddigan uu yahay Guddi si weyn loo sugayey ayna yimaadeen dhulkoodii ay ka soo jeedeen isla markaana aysan marti ku ahayn

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed soomaaaliya iyo kuxigeenkiisa ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta uu u sameeyey Maamulka Koonfur Galbeed Gaar ahaan Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.