Gudiga Maaliyada Qorsheynta iyo Tirakoobka Golaha Wakiilada KG Oo Maanta Kormeer sameyey

Gudiga Maaliyada, Qorsheynta iyo tirakoobka golaha wakiilada DGKGS oo gudanaya waajibkiisa shaqo ee korjoogteynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda ayaa maanta oo ay taariikha tahay 5/12/2020 waxa ay booqasho iyo kormeer ku tageen xafiiska hantidhowrka guud ee DGKGS.

Kullanka waxaa kasoo qeybgalay hantidhowraha guud ee DGKGS mudane Omar Ahmed Hassan iyo dhamaan howl-wadeenada xafiiska hantidhowrka.

Kullanka ayaa warbixin kusaabsan guulaha xafiiska hantidhowrka uu ku talaabsaday iyo caqabadaha xafiiska ku hor gudban looga dhegeystay hantidhowraha guud ee DGKGS mudane Omar Ahmed Hassan.

Kullanka waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha gudiga Maaliyadda golaha wakiilada DGKGS Xildhibaan Saciid Ahmed Cali