Gudomiyaha Degmada Baydhabo oo kulan la qaatey Gudomiye waaxeedyada Xaafadaha(SAWIRO)

Gudoomiyaha degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdullahi Cali watiin ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatey Maamulka Xaafadaha Degmada Baydhabo iyo Maamulka Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo.

Kulanka ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga Degmada Baydhabo Aadan Carab iyo marti sharaf kale.

Kulankas oo isbuucle ah ayaa looga hadlayey arimaha Aminiga iyo Hormarka Bulshada iyo Nadaafada Degmada.

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo aya ka warbixiyay Safaradii shaqo ee uu Dibada ugu maqnaa iyo hormarka magaalada Baydhabo hiigsaneyso wuxuuna sheegey in uu ku soo guuleystey arrimo badan oo lagu horumarin doono magaalada baydhabo.

Ugu dambeynti Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin ayaa Gudoomiye Waaxeedyada Xaafadaha Baydhabo kula dardaarmey in ay Bulshadooda si Daacad ah ugu adeegaan