Sawiro:Gudoomiyaha Degmada Baydhabo oo dadaal ugu jira Biyo kufilan Baydhabo in lahelo

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin iyo Hay’adda Terre Solidali Khubaro ka socda oo dhawaanahaan Wadey Sahamin dhinaca Biyaha ah iyo sidii Baydhabo loogu heli lahaa Biyo ku filan Mustaqbalka dhow.

waxaana ay kormeer guud ku sameeyeen Ceelasha Biyaha ee Magaalada Baydhabo
guud ahaan iyagoona soo indho indheeyey
sida ay u shaqeeyaan.

magaalada Baydhabo ayaa ah magaalo aad u kobceysa sanadahan dambe bulshada ku noolna tiro ahaan sii kordheyso.sidaa daraadeedna isticmaalka biyahana uu aad u kordhey biyahana ay yihiin nolosha koowaad ee noolaha.