Gudoomiyaha gobolka banaadir oo ka qeyb galay aaskii askartii booliska ee maanta lagu qarxiyey afaafka hore ee janaraal kaahiye

Sii Hayaha xilka Taliyaha Booliska ahna Taliye kuxigeenka Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka qeyb galay aaska Askartii saaka lagu dilay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska Jen. Kaahiye.
Illaa 18 askari oo 4 ka mida ay ahaayeen Haween Boolis ayaa ku geeriyooday qaraxii ismiidaaminta ahaa, waxaana meydkooda lagu aasay Qabuuro ku yaalla agagaarka Xarunta Jen. Kaahiye.
Sidoo kale Sii hayaha xilka Taliyaha Booliska iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Isbitaalada ku booqday askartii ku dhaawacantay qaraxaas, kuwaasoo la dhigay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta ayaa u rajeeyay dhaawacyada inuu Alle soo bogsiiyo, waxaa kaloo ay tacsi u direen ehelada askartii ku geeriyooday qaraxa.
Qaraxan Ismiidaaminta ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab, waxaana Afhayeen u hadlay uu sheegay inay dileen illaa 27 askari oo isugu jira Askar iyo Saraakiil.