Gudoomiyaha Golaha shacabka oo lakulmey Safiirka ingiriiska ufadhiya Soomaaliya

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cadiraxmaan ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu xafiiskiisa Ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe

Gudoomiyaha iyo Safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta iyo xiriirka labada dal iyada oo Safiirkana uu Gudoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka wadaan.

Dowladda Britain ayaa waxaa ay kamid tahay dowlaha taageera Soomaaliya,waxaana horay ay u sheegtay inay caawin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya.