Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo Aabihii lagu dilay Muqdisho

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), ayaa caawa aabihii lagu dilay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Marxuumka, ayaa waxaa lagu dhex dilay hoygiisa oo ku yaala xaafadda Suuq Boocle ee Degmada Dharkiinley, kadib markii rag hubeysan ay gudaha ugu u galeen, iyagoona ku dhex toogtay.
Ciidamada ammaanka oo ku baxay gurigaasi, ayaa dhaawac ahaan uga qaaday Cali Nuur, iyadoona uu wadada ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dhawr xabadood oo la huwiyay.
Hay’adaha ammaanka, ayaan weli ka hadlin tallaabada lagu dilay ninkan odayga ah, balse dilkiisa ayay ku wargeliyeen Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda.
Gudoomiye Shuute, ayaa Isniintii bilaabay dhageysiga eedeymo loo haysto rag la sheegay inay ku lug lahaayeen qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.