Gudoomiye Cusub oo loo Magacaabay Beledweyne

Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka ka qaaday Gudoomihihii Magaalada Beledweyne Cusmaan Maxamed Qalaafow, waxaana xilkaasi loo magacaabay Gudoomiye cusub.

Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay beledweyne ayaa waxaa lagu Magacaabaa Maxamed Axmed Ibraahin (Foodcadde).