Gudoomiye Mursal Oo Booqdey Dhaawacyada Dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay ex controll afgooye,

Gudoomiyaha golaha shacabka soomaaliyeed maxamed mursal sheekh cabdiraxmaan ayaa Xaley booqday dhaawacyada dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay ex controll afgooye,
Gudoomiyaha oo ay la socdeen xubno katirsan xillibaanadda barlamaanka ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ku jira cispitaalka digfeer ee muqdisho ,

maamulka cispitaalka digfeer ayaa gudoomiyaha uga warbixiyay dhaawacyada la soo gaarsiiyay cispitaalka, tiradda dhimashada iyo inta dhaawaca ah, waxaana maamulka cispitaalka ay gudoomiyaha u sheegeen in berri subixii ay diyaarad gaar ah imaan doonto lana qaadi doono dhaawacyada culus ee aan digfeer wax looga qaban karin ,

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa booqashada iyo warbixinta kadib u mahad celiyay maamulka iyo howl-wadeenada caafimaadka ee digfeer sida ay isugu howleen caafimaad qabka dadka dhaawacyadu ay soo gaareen isagoona dhanka kale mas’uuliyiinta turkida ah kaga tacsiyadeeyay labo kamid ah muwaadininta u dhalatay dalka turkiga oo iyana ku dhintay qaraxa