Gudoomiyihii hore Baarlamanka DFS Oo soo gaarey Baydhabo

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Goordhow soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ayaa waxaa Jawaari iyo wafdiga la socday kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baydhabo ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Munaasabada furitaanka Kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale inta uu ku sugan Jawaari Magaalada ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanaa Madaxda ugu sarreeysa Maamulka KGS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan deegaanka.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha oo socda lagu qabto Munaasabad lagu daah-furayo Kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii Xildhibaanada ay fasax galeen muddo kooban.