Hadal jeedinta musharixiinta Aqalka Sare oo ka socota Kismaayo

Xildhibaannada Baarlmaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa haatan dhageysanaya khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare oo doorashadooda isla maanta dhaceysa, kuwaas oo ay ku tartamayaan 8 Musharax.

Dhageysiga khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare oo ka socoto Hoolka Daawa ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Baarlamaanka Jubbaland, Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer dowlad Gobeed ee Jubbaland.

Musharixiinta khudbadaha jeediyay ayaa waxaa kamid ah Xasan Daahir Yaroow, Cabdi Xuseen Cali iyo Ibraahim Awgaab Cismaan, kuwaas oo soo bandhigay waxyaabaha ay qaban soonaan.

Ilaa 8-da Musharax ayay khudbadahooda dhageysan doonaan Baarlamaanka Jubbaland, waxaana intaasi kadib billaaban doonta doorashada kuraasta Aqalka Sare.