Heeshiiska Shirka Wada Tashiga Qaran Iyo Hiigsiga Sanadka 2016-ka

September, 22 2015 ( Radio Baidoa) Maalinimadii Isniinta aheyd ayaa magaalada muqdisho lagu soo xirey shirka wada tashiga ah ee hiigsiga siyaasada sanadka 2016, waxaana laga soo saaray ama la isku afgatay in la dhiso madal wada tashi qaran taasi oo looga gol leeyahay in la gaarsiiyo doorashooyinka 2016-ka iyado aan wax muddo kororsi ah la sameyneynin.

Madashan oo ka kooban 59 xubnood oo isugu jira beesha caalamka iyo Soomali, waxana la filaya in shirkooda koobaad ay bilaabaan bishan soo socoto October 14-keeda

Kulanka ugu horeeya ayey kaga arinsan doonaan hanaanka ay noqon doonto doorashada dalka ka dhacaysa 2016, iyadoo shirka xiga January 2016  oo ka shiri doona qaabka loo soo xulayo xildhibaanada Barlamaanka.

Ma aha markii ugu horeysay oo Soomaalida ay ka hadlaan waxa loo yaqaano Road Map, waxaa markii ugu horeysay la’arkay Sept 15, 2003: Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah.

Waxaa xusid Mudan in Heshiis  isniintii September 21, 2015ka Muqdisho ka dhacay mid la ah uu Garoowe ka dhacay Febraayo 2012 Garoowe 2 iyo Road map la isku afgartay in Federaal wax lagu saleeyo, Sheekh Shariifkii oo shirka xiray ayaa sheegay in KMG laga baxay,

5- Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madax dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub

Iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay’adaha dowlada Federaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood Ahlu Sunah, 6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramada midoobey ee Somalia UNPOS.

Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa’diida Garowe1,2.

Ugu danbeytii Soomaaliya goormee ay ka bixi doonta Road Map, Sideese ay looga maamrmi karaa Road Map?

Radio Baidoa.

Waxaad Nagala Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com