Hir-Shabeelle; marnaba ma Aqbaleyno in Dagaal dhiig ku daata uu dhaco

Maalmihii la soo dhaafay waxaa dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ku dhex-marey deegaan hoostaga degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan laba maleeshiyo Beeleed,waxaana maleeshiyaadkaas heshiis dhex-dhigey Maamulka Hir-Shabeelle.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Geelle Isaaq Warsame ayaa sheegay in Odayaasha iyo waxgaradka labada Beelood looga baahan yahay inay dhaqan geliyaan heshiiska ay wada qaateen.

Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbaleyn in dagaal dhiig uu ku daato uu ka dhaco deegaannada Hir-Shabeelle,isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan cid alaala cidii fulin weysa ee ka baxday heshiiskii ay wada gaareen beelaha ku dagaalamay duleedka degmada Jawiil.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Guutada 5aad ee Gobolka Hiiraan Korneyl faarax Cali Waasuge ayaa dhankiisa sheegay in labada beelood uu ugu baaqay inay qaataan fulinta heshiiskii ay gaareen taliska Ciidanka xoogga dalkana uu kula xisaabtami doono.