Hir-Shabeelle oo Saldhig Ciidan ka hirgelineysa Baladweyne

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle oo ay wehlinayeen saraakiisha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay Maanta siwadajir ah u dhagax dhigeen dhismaha Saldhig Ciidan.

Saldhigaan oo laga hirgeliyey duleedka Galbeed ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku Shaqeyn doono Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya,kuwaas oo howlgallo kala duwan ka sameyn doono Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 5aad ee xooga dalka Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa ka mahadciliyay dhisida xurunta cusub ee Ciidamada,isaga oo sheegay in Ciidamada ay u diyaarsan yihiin fulinta howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Abaanduulaha qeybta 27aad Janeraal Saalax Yacquub ayaa dhankiisa sheegay in wax badan ay xuruntaan ka qaban doonto arrimaha amniga magaalada Beledweyne ee Goblka Hiiraan.