Hir-Shabeelle Wafdi ka socda Oo gaaray Degmada Buulo-Burde

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Jagar ( Dabageed) uuna qeyb ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa waxaa ay gaareen degmada Buulo-Burde, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde kusoo dhaweeyay, Maamulka degmada, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas.

Ujeedka socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay xarig jarka Taliska qeybta 27-aad oo degmada Buulo-burde uu ka daah-furidoono, kaas oo dhawaan halkaasi laga dhisay.

Maalmo kooban ayuu ku sugnaan doonaa Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed degmada Buulo-burde, isaga oo intaasi kadib soo aadi doono dhinaca magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka la helay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu isna degmada Buulo-burde uga sii gudbi doona degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo uusan tegin tan iyo markii la Magacaabay.