Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa War saxaafadeed kasoo saaray dhibaatada beni’aadanimo ee ka jirta magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee ku aadan fatahaadda Wabiga Shabeelle.
Inta badan dadkii kunoolaa Magaalada Beledweyne ayaa waxaa sameeyay Barakac ka dib markii halkaasi ay kusoo rogmadeen Fatahaado xooggan.