Howl-galo ka dhacay Deeganka ceel gaal ee gobolka hiiraan

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in howl gal ay sameeyeen Ciidamada Nabadsugida gacanta ku dhigeen goob Al-Shabaab u isticmaali jireen keydka qaraxyada.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Hiiraan Xasan Kaafi Maxamed Ibraahim ayaa u sheegay warbaahinta in howl gal ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Gaal ku soo qabteen keyd badan oo miinooyinka qarxa ahaa oo Al-Shabaab u yaalay deegaankaas.

Waxaa uu sheegay in goobtaas ay u aheyd bakhaarka qaraxyada oo ay u sii gudbiyaan deegaanada kale, isagoo xusay in xog ay shacabka ka heleen ku suura gashay in lagu soo qabto miinooyin.

Ma sheegin tirada waxyaabaha qarxa ee ay gacanta ku soo dhigeen, hase ahaatee waxaa uu xusay inuu ahaa miinooyin Al-Shababa diyaariyeen oo ay la damacsanaayeen inay shacabka ku waxyeeleeyaan sida uu yiri.

Ciidamada Nabadsugida qeybta Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii u dambeeyay howl gallo ballaaran ka waday gudaha magaalada Beledweyn iyo duleedkeeda.