Howlgal isbaaro qaadis ah oo ka bilaawday Galgaduud

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa howlgal isbaaro qaadis ah waxaa ay ka bilaabeen wadada xiriirisa deegaannada Mareergur iyo Godinlabe oo hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud,wadadaas oo bilihii la soo dhaafay ay ka jireen dhibaatooyin amni-darro.

Cidamada Booliska ayaa la dhigey  wadada,kuwaas oo  loogu talo galay inay ka hortagaan kooxo hubeysan oo dhowr jeer wadadaasi isbaarooyin soo hdigtay,isla markaana dadka safarka ah ku dhibaateyn jiray.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa Ciidamada ku amray inay soo afjaraan kooxaha caadeystay dhibaateynta dadka Shacabka ah ee isbaarada dhigta  wadada u dhaxeysa deegaannada Mareergur iyo Godinlabe

Si kastaba howlgalkan isbaaro qaadista ah ee laga sameeyey wadada xiriirisa deegaannada Mareergur iyo Godinlabe ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay wadadaasi ka cabanayeen dadka Shacabka ah.