Howlgallo ka socda Beledweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka socda Howlgallo gaar ah oo ay wadaan Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Howlgadan ayaa yimid kadib markii Mas’uuliyiinta Degmada ay ka war heleen in Magaalada Beledweyne ay gudaha u soo galeen Gawaari Walxaha Qarxa ay saaran yihiin.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Howlgaladan si gaar ah waxa ay uga wadaan 4-ta xaafadood ee ay ka kooban tahay Magaalada Beledweyne, waxaana ay mid mid u baarayaan Geerishyada qaar ee ku yaalla bartamaha Magaalada.

Saraakiisha Ciidanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ilaa hadda ay gacanta ku dhigeen Gaadiid iyo dadkii saarnaa, kuwaas oo aysan sheegin in ay ka mid yihiin kuwii la raadinayay.