Howlgalo Ciidamada Nabadsugida Soomaliya Saaka Ay Ka Bilaabeen Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Degmada Afgooye Ee G/Sh/Hoose

October 08 2015 ( Radio Baidoa) Ciidamada Nabadsugida Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Howlgalo ka sameeyay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Howlgalka ayaa lagu baadi goobayay dad badan oo la xiriiriyay Xarakada Al Shabab ee Dagaalka kula jirta Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa u sheegay Warbaahinta Dowlada in u jeedada Howlgalada ay ahaayen Sugida Amniga deegaanada ay Maamusho Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Radio Baidoa

Waxaad Nagala Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com