Howlo biyo dhaamin ah oo loo sameeyay barakacayaal ku sugan Beydhabo

Maamulka taliska qeybta 60 aad ayaa manta howlo biyo dhaamin ah u sameeyay qaar ka mid ah barakaciyaal ku nool mid kamid ah Kaamamka magaalada Baydhabo.

Howlahaan biyo dhaaminta ah oo loo sameeayay dadka danyarta ah ee ku sugan Deegaanka Hareera kaadiyow ee duledka magaaladaasi ayaa gaaraya laba kun oo qoys .

Qoysaskaan ayaa warku intaa ku daray in ay ka soo barakaceen Diinsoor, saakoow,qansax dheere iyo goobo kale ,waxaana manta la gaarsiiyay dhowr booyadood oo biyo ah.

 

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa dowladda Federaalka,kan dowlad goboleedka K/Galbeed iyo hey’aaha samofalka ka dalbaday in lala soo gaaro gurmad biniaadanimo oo samatabixin ah.