Imaaraadka Carabta oo dalbaday in raali gelin laga bixiyo dhacdadii Garoonka Muqdisho

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dalbatay in dowladda Soomaaliya ay raali gelin buuxda ka bixiso dhacdadii bishii April ee sanadkan Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, taasi oo la xiriirtay Diyaarad Imaaraadku lahaa oo lagu xanibay garoonka.

Dr. Anwar Gargash oo ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hada qiratay khaladka ay ka gashay Imaaraadka.

Wuxuu sheegay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta in dowladda Soomaaliya ay ku xad gudubtay dowladdiisa, markii ay la wareegtay lacag ay u wadeen ciidanka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaliya raali gelin inay ka bixiso ayaan ka sugeynaa khaladkii ay naga gashay ee ku aadanaa dhacdadii garoonka diyaradaha bishii April ee lagu xanibay diyaarad aan leenahay”. Ayuu yiri Dr. Anwar.

Wuxuu sheegay Gargash isaga oo ka hadlayay xarunta cilmi baarista ee Policy Exchange ee magaalada London ayaa wuxuu sheegay in ay socdaan lagu xalinayo khilaafka labada dowladood.

Imaaraadka ayaa joojiyay howlihii tababar ee uu ka waday magaalada Muqdisho, markii uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Soomaaliya, waxaana joogsaday dhaq dhaqaaqyo badan oo ay ka wadeen Soomaaliya, laakiin ma aysan joojin dhaqdhaqaaqii ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka.