In kabadan 25sano kadib oo laysku furaayo wadooyinka magaalada gaalkacyo

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa si isku mid ah waxa ay u sheegeen in ay isu furayaan Wadooyinka kala xiran ee Magaalada Gaalkacyo taas oo socotay wax ka badan 25 Sano.
Yaasiin Axmed Tumey iyo Xirsi Yuusuf Bare oo ah Guddoomiyeyaasha labada dhinac ee Puntland Galmudug ayaa si wadajir ah u sheegay in midba dhinaciisa uu xiyaarada kaga qaadayo, wadooyinka Gaalkacyo ee xiran, si ay u bilowdeen mar kale isu socodka Gaadiidka.
Sidoo kale Labada Masuul ayaa sheegay arrintan xirnaanshaha wasdooyinka sababteeda in aysna laheyn shacabka, balse ay tahay siyaasad ay kala hoggaaminayaan Mas’uuliyiinta Labada Maamul.