iska hor imaad ka dhacay magaalada muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Jaamacadda Simad ay ku leedahay wadadaasi ayaa waxa ay sheegaayaan in halkaasi uu ka dhacay Iska hor imaad.

Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii kooxo dhacgeystay ay ay u soo carareen wado ku dhow jaamacadda, waxaana kooxdaasi soo ceyrsaday Ciidanka Amaanka oo halkaasi ka dhowaa.

Ilaalada Jaamacada Simad oo u maleynayay in la soo weeraray ayaa Rasaas waxa ay kala hortageen Ciidanka Amaanka, waxaana halkaasi ku dhexmaray Iska hor imaad, inkastoo cabsi badan ay soo wajahday Ardada Jaamacada oo qaarkood ay iska soo tuureen dabaqa sare ee Jaamacada.

Kooxdii Tuugada aheyd ayaa waxa ay ka baxsadeen goobta, waxaana ilaa iyo hada socda kulamo lagu xalinayo Iska hor imaadka dhexmaray Ciidanka Amaanka iyo Ilaalada Jaamacada Simad.