Itoobiya oo Ciidamo u soo dirtay xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya

Wararka laga helayo xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya kana mid aheyn AMISOM ay soo gaareen halkaas,kuwaas oo kasoo ambabaxay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida.

Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay tageen deegaano ku yaalla Xaduudka Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan deegaannadii ay dhawaan ku dagaalameen Ciidamada Liyuu Boolis iyo Maleeshiyaad deegaanka ah.

Deegaanadana ay ciidamada Itoobiya soo galeen ayaa waxaa kamid ah deegaanka Boorancad halkaas oo Maalin ka hor Ciidamo ka tirsan qeybta 21aad ee xoogga dalka ay Maxaabiis u kala wareejiyeen Ciidamada liyuu Boolis iyo Maleeshiyaadka deegaanka ee la dagaalamay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha Ciidamada Itoobiyanka ah ee aan kamid aheyn AMISOM ay u soo galeen deegaano kamid ah Soomaaliya, iyada oo ay xusid mudan tahay in Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah kana mid aheyn AMISOM ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.