Itoobiya Oo Sheegtey in hub farabadan ka furteen Kooxda TPLF

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada dalkiisa ee gobolka Tigray aysan ka dhigneyn in dowladda ay ku guuldareysatay dagaalka.

Wuxuu sheegay in dagaalka muddada 8 bilood ah socday lagu wiiqay ciidamada Tigray ee ay hormuud u yihiin xooggaga TPLF.

Abiy oo maanta khudbad ka jeedinayay baarlamaanka ayaa sidoo kale xusay in ‘ciidamada Itoobiya ay awood u leeyihiin in dagaal kale ay qaadaan balse loo baahan yahay ilaalinta amniga si Itoobiya loo horumariyo.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka ugu habboon uu ahaa in ciidamada lagala soo baxo Tigray maadama uu ahaa qorshe muddo bil ah soo socday.

“Ka hor inta aanan xabad joojinta ku dhawaaqin, waxaa sameynayay la tashi badan, hanaanka ciidamada looga soo saaray Tigray waxay nagu qaadatay in ka badan bil”

Abiy ma uusan soo hadal qaadin shuruudaha ay TPLF ku xirtay xabbad joojinta.

Abiy ayaa sheegay in dowladda haatan ay soo afjartay halista maamulka TPLF isla markaana ay dib uga soo ceshatay hub ay horay ka dhaceen saldhigga militeriga ee ku yaalla Tigray