Jaaliyada KG ee North America oo Xusey Aas Aaskii KGS

Xuska Sannad Guuraddii 5-aad ee markii sees loo dhigay dowladda Goboleedka Soomaaliyeed ee KGS ayaa waxaa lagu qabtay magaalada St.Louis ee Gobolka Missouri ee dalka Maraykanka..

Sannad guuradaan ayaa waxaa soo abaabulay Jaaliyadda KGS ee daggan Gobolka Missouri waxaana ka soo qayb-gallay Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan North America gaar’ahaan kuwa ka soo jeeda Deegaanada uu ka arrimo DKGS,waxaana hal-ku-dhiga sannad kaan ahaa “HADAFKEENU WAA HORMAR”

Dadkii Goobta ku sugnaa ayaa aad uga sheekeeyey Howlaha ka socda guddaha dalkeena,waxaa lagu sharaxay Madasha Calanka Somalia & kan KGS….waxaan goobta laga qaaday heeso ka sheekaynaya hor-u-socodka nabadda & doorka ay Jaaliyadda ka qaadan karrto… Sidoo kale waxaa la isku booriyey in laga qayb-qaato arrimaha bulshada.
W/D Abdihakim Abdi