Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada London Oo Xaflad Soo Dhoweeyn Ah U Qabtay Wasiirka Batroolka Iyo Macdanta Ee Soomaaliya.

Xaflad ay soo Qabanqaabiyeen Jaaliyda soomaalida ee Magaalada London oo lagu soo dhoweynayey wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Mukhtaar Ibrahim  ayaa waxa ka soo Qeyb galay Soomaalida ku Dhaqan Magaalda London Nocyadeeda Kala Duwan  .

Dadkii ka hadlay xaflad ayaa bogaadiyay dadaalka ay dowlada Soomaaliya ku dooneyso in la sahmiyo isla markaana dibada loo soo saaro kheyraadka  dalka.

Ka soo qeybgalyaasha xaflada ayaa sidoo kale ku amaanay wasiirka Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibrahim in uu muujiyay  geesinimo maadaama uu u bareeray wax u qabashada dalka  waqtiyo adag.

Wasiirka  oo goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay jaaliyada soo dhoweynta ay u sameeyeen, isla markaana uga warbixiyay xaalada dalka iyo talaabooyinka horumarka leh ee lagu talaabsaday.

Wasiirka ayaa carabaabay in ahmiyada ugu weyn ee dowladu ay tahay in la helo xasilooni siyaasadeed iyo ka mira dhalinta hiigsiga 2016 oo ah in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Wasiirka waxaa kale oo uu farta ku fiiqay in uu jiro qorshe iyo sharuuc  wasaaradu diyaarineyso kuwaas oo ku saabsan sida  loo qeybsan lahaa qeyraadka dalka.